Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiidka Xildhibaanada Baarlamanka oo laga mamnuucay Villa Somalia (Akhriso)

Qoraal ka soo baxay agaasinka xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa lagu soo bandhigay heyadaha gawaaridooda loo ogol yahay iney ka soo gudbaan albaabka koowaad ee Madaxtooyada(Gate-1).

Xildhibaanada baarlamanka ayaa laga reebay liiska heyadaha gaadiidkooda aysan soo geli karin Madaxtooyada sida ku xusan qoraalka ay madaxtooyadu soo saartay.

“Laga bilaabo 11-12-2018 illaa 20-12-2018 waxaa mamnuuc ah iney gaadiidka ka soo gudbaan albaabka Gate-1 marka laga reebo gaadiidka fasaxa gaarka ah heysta oo kala ah

1-Xafiiska raisul Wasaaraha=shan gaari

2-guddoonka Baarlamanka=afar gaari

3-xafiiska hanti-dhowrka guud=sadex gaari

4-gudiga doorashooyinka Qaranka=sadex gaari

5-guddiga xuduudaha Qaranka=labo gaari

6-wasaarada arrimaha dastuurka=labo gaari

7-guddiga xalinta khilaafaadka=labo gaari.

Sidoo kale, heyadaha kale ee dowlada sida talisyada ciidamada iney liiska gaadiidkooda.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya in talaabada looga reebay iney galaan madaxtooyada looga gol leeyahay in lagu go’doomiyo gudoomiyaha baarlamanka Somalia oo degan dhismaha villa Hargeysa ee Madaxtooyada ku dhex yaalla.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xili xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ay maanta shaaciyeen iny loo diiday la kulanka gudoomiye Mursal, iyagoo xusay in yahay go’doon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq iyo baaris socota

Caydiid Ali

Kenya oo ku faantay inuu u hir galay qeyb kamid ah hadafkii ay u dhiseyn maamulka Jubbaland

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo Magacaabay guddi cusub oo Wasiiro ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---