Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) C/wali Gaas oo xil labaad u magacaabay S/Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa magacaabay taliyaha ciidanka amniga doorashada Puntland  ee Janaayo 2019 la qabanayo.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha  ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa taliyaha amniga doorashada loogu magacaabay S/Gaas C/risaaq Siciid Diiriye Faarax oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka badda Puntland.

Taliyaha loo magacaabay amniga doorashada ayaa Madaxweynuhu maalmo ka hor u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, lamana oga inta ay gaarsiisan tahay kalsoonida ay ku qabaan musharaxiinta kale ee ka qeyb qaadanaya doorashada inkastoo ay jiraan warar sheegaya in taliyaha la magacaabay uu yahay mid dhexdhexaad ah oo ay ku qanci karaan musharaxiinta.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Ankara (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano ka socda Baarlamanka EAC oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo saakay gaaray degmada Buuloburde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---