Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray go’aano adag oo u muuqda mid lagu go’doominayo laguna cadaadinayo Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh .
Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen Labada Gudoomiye kuxigeen ee golaha shacabka ayaa lagu sheegay in goluhu uu galay khilaaf dastuuri ah oo saameyn ku yeelanaya habsami u socodka howlaha Baarlamaanka.
Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Warbaahinta u aqriyay qoraalka ay soo saareen ayaa fara shaqaalaha Baarlamaanka in aysan ku lug yeelan khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Golaha.
Mahad Cawad ayaa sheegay in Xarunta Villa Hargeysa aanay ku shiri karin Xildhibaanada kala aragti duwan, waxa uu sidoo kale sheegay in xarunta golaha shacabka aysan koox gaar ah ku shiri karin iyada aysan isla ogeyn gudoonka.
Gudoomiye ku-xigeenada golaha shacabka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan jirin Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyasda golaha shacabka, waxa ayna cadeeyeen in guddigaasi horey loo kala diray wax sharci ahna aysan ku fadhin.
Go’aanadan adag ee kasoo baxay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka Soomaaliya oo taageero ka helaya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa u muuqda mid lagu go’doominayo gudoomiyaha golaha shacabka oo kahor yimid rabitaanka Madaxtooyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com