Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano Si layaab leh uga hadlay Banaan baxyada maanta Muqdisho ka socda

Xildhibaano katirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay banaan baxyo xoogan oo looga soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka socda Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano kale oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweenayay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir  ayaa sheegay in barakacayaal masaakiin ah oo lacago loo qeybiyay in maanta banaan bax ka dhigayaan Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Fiqi dadka banaan baxa dhigaya in rabitaankooda aysan usoo banaan bixin balse laga soo aruuriyay xeryaha barakacayaasha loona qeybiyay lacago aad u yar .

” Daljirka Dahsoon waxaa laga qaadayaa oo ambalaasyo lagu dal dalayaa masaakiin shalimaad yar la siiyay oo xalay iyaga oon casheen saakayna quraacan qoraxdaa lasoo istaajiyay joogana ka dhacaya, ” Ayuu Yiri Xildhibaan Fiqi.

Qaar kale oo kamid ah Xildhibaanada ka hadlay soo dhaweynta C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale dowlada Federaalka ku dhaliilay in masaakiin tabaaleesan qoraxda lagu dilo iyada oo la siinayo shilimaad si loo muujiyo taageero been ah.

Hadalada kasoo yeeray Xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka kana mid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili maanta Muqdisho ka socdaan banaan baxyo looga soo horjeedo Mooshinka Farmaajo laga gudbiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Xamse ku soo arkay Mallka ugu weyn ganacsiga Soomaalida Islii

Caydiid Ali

Damaca Turkiga, Qatar & Itoobiya ee Khayraadka Soomaaliya – Horumar mise Halis?

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---