Allbanaadir.com
NEWS

Banaan baxyo xoogan oo goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw banaan baxyo xoogan oo looga soo horjeedo mooshinkii laga gudbiyay Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka bilowdeen qeybo kamid ah magaalada Muqdiho.

Dad badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayaan ereyo ay uga soo horjeedaan mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha.

Banaan baxaaasha ayaa isugu tagaya Taalada Daljirka Dahsoon halkaas oo la filayo in banaan baxaaasha lagula hadlo, waxaana banaan baxan weyn soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir.

Qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, waxaana dadka banaan baxa dhigay alug ku marayaan Laamiga Maka Al Mukarama, waxa banaan baxayaasha wataan sawirka Madaxweynaha Soomaaliya

Banaan baxan ayaa ah mid looga soo horjeedo mooshin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya shalay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana mooshinkan uu abuuray xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Related posts

Puntland oo heshay Diyaarad ciidamada ka caawineysa Dagaalka Daacish (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Warqad uu qoray halgamaa caan ah oo lagu iibsaday lacag aan caadi aheyn

Caydiid Ali

Gantaal lala helay Gaari marayay Deegaan ku dhaw Ow-Dheegle

admin
Taboola Ads ---