Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Mrs. Elin Bargithe Rognlie

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Mrs. Elin Bargithe Rognlie.

Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie, madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la’ah Soomaaliya, waxayna Dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Dhagax-dhigay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Caafimaadka Britain oo la ilmeeyay qisada Wiil Soomaali ah oo u dhintay Caronavirus 

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo Tababar cusboonaysiis ah loo furay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---