Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan kamid noqotay golaha Deegaanka Seatle oo geeriyootay

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shil gaari ay ku geeriyootay Aamina Axmed oo aheyd gabar Soomaali Mareykan ah oo labo kahor ku guuleesatay in ay kamid noqoto deegaanka ee magaalada Seatle-Washington ee dalka Mareykanka.

Aamina ayaa xiliga ay shilka gaari ku geeriyooneysay la sheegay in ay katimid shir ay lasoo qaadatay bulshada deegaanka ay matasho, waxa ay sidoo kale xiligaasi kusii jeeday shir kale oo ay ka qeyb gali laheyd.

Ciidamada booliiska ayaa wada baaritaano ku aadan shilka gaari ee ku geeriyootay gabadhan Soomaali Mareykanka ee dhawaan kamid noqotay golaha deegaanka Seatle ee dalka Mareykanka.

Aamina Axmed ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo Muslim ah oo kamid noqota golaha deegaanka Seatle, waxaana geerida gabadhan Soomaaliyeed si weyn uga naxay Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxayaasha Maraykanka oo iloobay hal arrin oo naftooda halis ku ah

Caydiid Ali

Ahlu sunna oo ku xad gudubtay Saamiga ay ku leeyihiin Beelaha Galmudug? (Cadeyn)

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya in Safaaradeyda Isra’il u wareejineyso Qudus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---