Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo maanta xilkooda la wareegay  (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xilalkooda si rasmi ula wareegay Wasiirada Cusub ee Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Ganacsiga iyo Warsadaha kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarumaha Wasaaradahaasi.

Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Masuuliiin kale ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadahan ay Wasiiradan maanta xilka kula kala wareegayeen.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaarada Ganacsiga ayaa waxaa ka hadlay Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxa ay sheegtay in wax badan u qabsoomeen inii a xilka heysay, waxa ayna shaqaalaha kala duwan Wasaarada ugu baaqday in ay si fiican ula shaqeeyaan Wsaiirka cusub.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa ku ammaanay Wasiirka hore ee Wasaaradda Ganacsiga Marwo Khadro Axmed Ducaale,gudashada Waajibaadkeeda shaqo,wuxuuna dhanka kala kula dardaarmay Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu waajibaadkisa uu si hufan u guto.

Dhinaca kale Munaasabad kale oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Arimha Gudaha ayaa waxaa xilka kula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya  Mudane Cabdi Maxamed Sabriye,

Munaasabadan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Masuuliyiin kale .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa dhici kara haddii Dowladda Ruushku xirto shidaalka iyo gaaska ay soo saarto?

Cabdi Cade

Siyaasi labo sano kahor geeriyooday oo la aasay kadib markii Wiilkiisa Madaxweyne noqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo markii Saddexaad baaqday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---