Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso) C/wali Gaas oo dalacsiiyey qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Puntland

Madaxweynaha  Puntland ee xiligiisu gebagebada yahay Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo Badda ee maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa min hal darajo lagu dallacsiiyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Ex- Sarreeye Guuto haatanna ah sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Ex-sarreeye Guuto haatanna ah Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha ciidanka badda Puntland.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysda xili Madaxweyne Gaas muddo xileedkiisa ay uga dhiman tahay todobaadyo kooban, ayna socoto qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la filayo iney dhacdo bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Garawe (Akhriso)

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo faah faahisay heshiiska ay gaareen Xasan Sheekh iyo Abiy

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaanka oo xukunno kala duwan ku riday Masuuliyiin katirsan dowladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---