Allbanaadir.com
NEWS

Madaxwene Farmaajo oo Daah Furay Garoon cusub oo Garawe laga dhisay (Daawo Sawurada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw si rasmi ah u daah furay garoonka cusub ee Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee dhawaan laga dhisay magaalada Garoowe.

Munaasabada lagu daah furayay Garoonkan cusub waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro , Xildhibaano katirsan labada Aqal, Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa si weyn ugu amaanay Puntland sida ay uga shaqeysay horumarka iyo maamul wanaaga.

Farmaajo iyo Masuuliyin kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana la filayaa Madaxweynaha inta uu joogo Puntland uu booqdo goobo kale oo deegaankaasi katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha Falastiin oo ka carooday talaabo uu qaaday Mareykanka

Caydiid Ali

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo baaqday iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Shariif & Xasan Shiikh oo qaaday talaabo shaki badan abuurtay iyo RW Rooble oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---