Garyaqaanka guud ee Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Max’uud ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ay isku khilaafeen magacaabista guddigan, taasoo keentay iney iska barbar magacaabaan labo guddi.
War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.
Hoos ka akhriso qoraalka garyaqaanka Puntland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com