Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Sh/Hoose.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xafiiska xisbada Al-shabaab ee degaanka Sabiid iyo Caanoole, iyadoo lagu soo qabtay laba xubnood oo al-shabaab ah, qalab walxaha qarxa ah iyo saanad ciidan.
“Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xafiiska xizbada al-shabaab ee Sabiid Caanoole ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad, muhiimadda koobaad ee ciidanka amniga waa ka hortaga alshabab iyo badbaadinta shacabka”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
NISA ayaa soo saarta warar ku saabsan xubno ka tirsan Alshabab oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degaano kala duwamn iyadoo aan bixin cadeymo iyo faahfaahin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com