Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Burundi oo qaaday talaabo ka careysiisay Qaramada Midoobay

Madaxda Burundi ayaa amray in guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay uu xafiisyadiisa albaabada isugu laabo muddo labo toddobaad ah, sida ay ilo ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen.

“Dawladda Burundi ayaa xagjir sii noqonaysa, beesha caalamkana ka dhago adaygaysa” sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay qof aan magaciisa la shaacinin oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Burundi ayaa isaga baxday shirkii Urur goboleedka Bariga Afrika ee bishii Nofembar la qabtay, kaasoo la rabay in diiradda lagu saaro qaska ka taagan Burundi.

Sannadkii 2017 Burundi ayaa isaga baxday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC.

Rabshado ayaa dalkaas ka billawday sannadkii 2015kii markaas oo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu u tartamayay markii saddexaad.

Daganaansho la’aantii siyaasadeed ayaa horseeday boqolaal dhimasho ah in ka badan 400,000 ruuxna dalka ayay isaga qaxeen, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Talaabadan ayaa waxaa aad uga carooday Qaramada Midoobay, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo in dalkaas uu dib ugu laabto dagaaladii Sokeeye ee dalkaas ka jiray toban sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade

Shaqaalaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha oo maalmo badan la fasaxay

Cabdi Cade

Abshir Bukhaari oo Xukuumada Soomaaliya ku dhaliilay hal arin oo ay ka gaabisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---