Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Labo ka mid ah dayuuradaha dagaalka Maraykanka oo isku dhacay iyagoo duulaya

Dadaallo lagu baadi goobayo ayaa socda ka dib markii saaka labo dayuuradood oo militariga Maraykanku uu leeyahay ay iyagoo duulaya isku dhaceen, kuna burbureen Badweynta Pacifigga.

Shilka ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebta dalka Japan, sida ciidanka marineska ee Maraykanka laga soo xigtay.

Ugu yaraan hal askari oo marines-ka ka tirsan ayaa waxa soo badbaadiyey ciidanka difaaca nafta ee Japan. Labada dayuuradood waxa midkood saarnaa 3 qof halka ta kalena ay labo saarnaayeen.

Dayuuradaha ayaa tababar ku jiray xiligii shilku dhacay, waxayna ka mid ahaayeen dayuuradaha ciidanka Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Japan oo tiradooda lagu qiyaasay 50 kun oo askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey Baladweyne iyo qaraxyo kale oo goor dhow ka dhacay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire Mrs. Suchitra Durai (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Hanti Dhowraha Qaranka iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---