Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Denmark oo meel marisay sharci yaab leh oo ka dhan ah soo galootiga

Dowlada Denmark ayaa soo saartay sharci lala yaabay oo dhigaya in qaxootiga haysta diidmada sharciga Denmark iyo kuwa dembiyada gala ay geynayso jasiirad lagu magacaabo Lindholm.

Jaziiradan ayaa ayaa ah meel lagu baaro xaywaanada qaba cudurada kala duwan, qaxootiga aan sharciga haysan  iyo dadka danbiyada galay ayaa jasiiradan la gaynayaa wixii ka dambeeyey sanadka 2021.

Xisbiga Danske Parti ee dalka Denmark ayaa sheegay in ajaanibta diidmada haysta iyo kuwa dembiga galay aysaan boos ku lahayn dalka.

“Illaa inta laga celinayo waxaan  geyn doonaa ama dajinaynaa jasiiradda Lindholm, halkaasoo ay ku khasban yihiin inay joogaan, boolis ayaana 24 ilaalin doona” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga.

Qaar ka mid ah dowladaha Yurub iyo ururada u dooda xuquuda aadanaha oo ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan, iyagoo sheegay iney ka dhigan tahay dad aan dembi laheyn oo xabsi la gelinayo, iyagoo ku baaqay in laga laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 21 Milyan Dollar oo laga xaday Qasnada dowladda iyo Xeer Ilaalinta oo loo gudbiyay …

Cabdi Cade

Goorma ayay soo bilaabatay fikradda mideynta Somalia iyo Itobiya? (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo Nabad ilaalin ah oo laga soo dejiyay Muqdisho iyo Dalka ay ka socdaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---