Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Waxaa xalay fiidkii qarax xoogan oo nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka Dheer .

Qaraxan ayaa lala eegtay gaadiid dagaal ay la socdeen ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alfa Group, waxaana qaraxan la sheegay in uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ciidanka wateen.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa khasaaro waxa uu kasoo gaaray ciidamada Nabad sugida, waxaana dhaawacydaa sadex askari oo Alfa Group katirsan la geeyay Isbitaalka Digfeer  .

Al Shabaab ayaa Warbaahinteeda ku baahisay in qaraxan ku dhinteen ku dhawaad 10-askari oo katirsan Ciidanka Nabad sugida sidoo kale ku dhaawacneen tiro kale oo ciidankaasi katirsan.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxan xalay ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana saacado badan ciidamada NISA xireen aaga qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Masuul horey uga tirsanaa maamulka Puntland

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Go’aamisay in mudo sadex maalin ah Calanka hoos loo dhigo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---