Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo ka laabtay xil ka qaadistii Xildhibaan Abiib

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeer hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Talaabadan ayaa ka dhalatay ka dib kulan ay yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka iyo kutlad Xildhibaano oo kor u dhaafaya 100 kuwaasoo wada hadallo galinkii dambe ee maanta bilowday kuwaasoo  heshiis lagaga gaaray khilaafkii keenay in fadhiyada Golaha Shacabka meesha ka baxaan.

Xasaanad ka xayuubintii Guddoomiye Aadan Madoobe si iskiis ah uu ugu sameeyey Xildhibaan Cabdilaahi Xaashi Abiib oo ahayd saldhiga khilaafka ayaa la isku afgartay in heshiiis lagu dhammeeyo. Hase yeeshee, siiqada loo dhigayo qoraalka iyo hannaanka hawshan loo xallinayo ayaa kala aragti duwanaasho xooggan dhalisay.

Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Madoobe ayaa ogolaaday in arrinta Xildhibaan Abiib loo dhaafo Guddiga Xeer-hoosaadka ee Golaha, taasoo ka dhigan in dooddii Xildhibaannadu qeyb ahaan guuleysatay.

Qodobka kale ee la isku waayey ayaa ah in Golaha Shacabka dib loo furo berri, laakiin Xildhibaannada ayaa ku adkaysanaya in marka hore xal waara laga gaaro kiiska Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa culeys badan kala kulmay talaabada uu xilka kaga qaaday Xildhibaan Abiib ka dib markii Mooshin isaga xilka looga qaadayo ay diyaariyeen xildhibaano 100 ka badan kuwaasoo ka hor yimid Xil ka qaadista Xildhibaan Abiib oo ay ku tilmaameen mid aan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka waafaqsaneyn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AADAN MADOOBE

KHILAA

Related posts

RW ku-xigeenka Somalia oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibeda ee Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Adeeg bilaash ah oo shacabka loo fidiyey Sanadguurada 2aad ee Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay shirka Dhuusamareeb & Ciidamadii Haramcad ee laga soo celiyey

admin
Taboola Ads ---