Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wadahadleen Qoorqoor & James Swan? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, shirarka la filayo iney dhacaan ee arrimaha dalka looga arrinsanayo, amniga iyo la dagaalanka  al shabaab, howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobey ka wadaan deegaannada Galmudug iyo qodobo ale

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha bini’aaddnimada iyo mashaariicda horumarineed ee kaabayasha dhaqaale sida waddooyinka & Airport ka caasimadda.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka mahad celiyey doorka QM ay ka qaadato xoojinta dowladinmada, maamul wanaaga iyo arrimaha gargaarka gaar ahaan mashaariicda ka socota dalka.

“Iyadoo Soomaaliya ay u baahan tahay tallaabo cad oo laga qaado dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo siyaasadda, waxaan carrabka ku adkeeynayaa muhiimadda ay leeyihiin midnimada iyo wada-hadallada loo dhan yahay ee hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo si wadajir ah shir jaraa’id ula qabtay Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoorqoor.

Related posts

Saldhig Cusub oo laga hirgaliyay Garoonka Shaati Gaduud iyo Warar kale oo Xasaasi ah

Cabdi Cade

Meta oo War ka soo saartay ciladii caawa qabsatay bogaga Facebook & Instagram

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay Xiyiraada la saaray Duulimaadka Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---