Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlay arrin xasaasi ah oo lagu qabtay xarunta G/Banaadir

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir, shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa Amniga Caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka ee Isdiiwaangelinta dadweynaha.

Shirka ayaa waxaa warbixin la xariira Amniga iyo habsami u socodka Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha loogu dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Wasiirka amniga ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan shacabka iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hey’adaha amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo wacyigelinta bulshada ee ku aadan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, in xooga la saaro Taakuleynta iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo in loo turo bulshada qeybahooda kala gedisan.

Related posts

Maxaa ka jira in weerar lagu dilay Taliyihii ciidanka Milateriga aagga degmada Buur hakaba?

Caydiid Ali

Dab saaka aroortii qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Soomaali iyo Ajaaniib ah oo Weeraray Guri uu lahaa Madaxweynihii hore ee Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---