Allbanaadir.com
NEWS

Mooshin lagu kala saarayo Puntland iyo Khaatumo oo socda

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay , ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ay wadaan mooshin lagu kala saarayo maamulka Khaatumo iyo maamulka Puntland.

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa laga soo doortaa gobolka Bari, waxa ayna xildhibaannadan taageero u raadinayaan sidii mooshinkan deegaannada Khaatumo looga saari lahaa Puntland inteeda kale.

Xubnahan mooshinka horboodaya ayaa raba in degaannada SSC-khaatumo laga saaro dastuurka Puntland, waxa ayna doonayaan in  mooshinka ugu gudbiyaan Fadhiga Baarlamaanka ee furmaya 15 June 2025.

Xildhibaan kamid ah kuwa riixaya qorshahan ayaa noo sheegay in ay doonayaan in Puntland iyo SSC-khaatumo si rasmi ah loo kala guro, oo Dastuurka Puntland laga saaro dhulka SSC, islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo hannaankii saami qeybsiga ee wax lagu dhisay sannadkii 1998.

Dhinaca kale, weli ma cadda mowqifka xukuumadda madaxweyne Deni ka taagan tahay arrinta kala baxa Puntland iyo SSC-khaatumo, balse waxa la sugaya siday uga falceliso qorshahan xildhibaannadu riixayaan markii uu soo wada baxo Kal-fadhiga bisha June.

 

Related posts

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gushiisii kowaad gaaray….faahfaahin ?

admin

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Cabdi Cade

Shiinaha: “Maraykanku waa inuu joojiyaa xadgudubyada dhinaca Midabtakoorka ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---