Allbanaadir.com
NEWS

Masar oo caddeysay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa khadka taleefoonka ugu soo hambalyeeyey Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Abdisalam Ali

Wasiir Al-Atty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaas oo la xoojiyay bishii Janaayo 2025 kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar, laguna gaarey heer iskaashi istaraatiji ah.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hay’adaha qaran, si kor loogu qaado xasilloonida dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya xilligan adag ee la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Labada wasiir waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta gobolka Geeska Afrika. Waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan la-tashiga dhow ee ku saabsan shirarka heer gobol iyo heer caalami si ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ay wadaagaan.

Wasiir Cabdisalaam ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ay ka qaadato hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

Related posts

Khadkii Telefoonka ee dalalka Eritrea Itoobiya oo go’ay

Caydiid Ali

Xamaas oo weerar ku dishay Askar badan oo Israel ah iyo fashil ku yimid Wadahadalo socday

Cabdi Cade

Maxaa Booliska DF uga qorsheysan sugida amniga Muqdisho Bisha Ramadan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---