Allbanaadir.com
NEWS

Madaxii Sirdoonka Israa’iil oo is casilaya iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil Shin Bet Ronen Bar, ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada ka tagayo 15-ka bisha Juun, lix toddobaad kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu isku dayay inuu xilka ka qaado.

Arrintaas ayaa muujisay in labada nin uu ka dhex jiro khilaaf xooggan oo saameyntiisa leh, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay Ronen Bar in uu go,aansado in si rasmi ah shaqada uga tago.

Bar ayaa ka tagi doona booskiisa ku dhawaad ​​18 bilood ka hor dhamaadka mudada loo qorsheeyay, isagoo qiray mas’uuliyadiisa ku guul dareysiga Shin Bet ee ka hortagga weerarkii Oktoobar 7, 2023.

Kadib 35 sano oo adeeg ah, iyo in la ogolaado habraac nidaamsan oo lagu magacaabayo ku-xigeen joogto ah iyo kala-guur xirfadeed, waxaan soo gabagabeynayaa waajibaadkeyga Juun 15, 2025,” Barr ayaa sidaas ku yiri hadal uu soo saaray.

Bar ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii wada xaajoodyadii ugu muhiimsanaa ee Israa’iil ay kula jirtay Xamaas kuwaas oo looga hadlayay xabad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha Israa’iiliyiinta ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Qarsoodi gaaray iyo Raychelle Omamo oo Muqdisho imaaneysa

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo lagu toogtay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Musaveni oo jeediyey hadalo bahdil ku ah dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---