Allbanaadir.com
NEWS

Weerar kedis ah oo lagu qaaday xubno katirsanaa Al Shabaab iyo khasaaro la gaarsiiyay

Ciidamada deegaanka ee macawiisleyda ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey howdka Ciid-ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka deegaanka oo helay xogta xubnahan katirsan Al Shabaab ee ku sugnaa howdka Ciid-ciidka ayaa weerar kedis ah oo khasaaro lagu gaarsiiyay ku qaaday kooxda.

Hoggaamiyaha Macawiisleyda aagagga degmada Mahadaay, Cismaan Beerey, oo howlgalkaas hogaaminaayey ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kale ka furteen hub iyo agab kale ay wareen.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan qeybo kamid ah deegaannada Hirshabelle, ayaa bilaabay fulinta weeraro cusub oo ah ku dhufo oo ka dhaqaaq, kaddib markii Al Shabaab dib ula wareegeen deegaanno badan.

 

Related posts

Axmed Madoobe oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Itoobiya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray Kampala (Sawirro)

Caydiid Ali

Halis cusub oo kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo Ciidamo sabab u ah !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---