Saraakiisha sirdoonka milatariga Pakistan, ayaa la wadaagay hoggaanka sare ee dawladda Pakistan inay arkayaan suragalnimada weerar ay Hindiya doonayso inay ku soo qaado gudaha Pakistan.
Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif ayaa ku dhawaaqay inay Hindiya soo weerarri doonto Pakistan, isagoo ku sheegay xaaladan inay ku riixeyso milatariga Pakistan inay si dhammeystiran isku diyaariyaan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Pakistan , ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay adeegsan doonto hubkooda nukliyeerka haddii ay dhacdo khatar ku wajahan jiritaankeeda; ma aha inay Pakistan sugi doonto in la isla gaaro weerarrada nukliyeerka, balse isla marka uu dhaco ku xad-gudubka madax bannaanida Pakistan , waxay qaadi doonta Islamabad weerar nukliyeer.
Dowladda Pakistan , ayaa feejignaan sare gelisay milatariga Pakistan, kaddib markii ay Hindiya sare u qaaday hanjabaada ka dhanka ah Pakistan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda difaaca Pakistan.
Ma cadda haddii hadalka ka soo baxay dawladda Pakistan uu la xiriiro mid ay ku doonayso inay ku daboosho dhaqdhaqaaqyada aan horey loo arag ee ay wadaan milatariga Pakistan oo nidaamyo gantaallo oo aan horey loo geyn xadka Hindiya, hadda halkaa ku daabulaya, sidoo kale diyaaradaha milatariga Pakistan waxay billaabeen inay dibadda kala yimaadaan tiknoolajiyada ay ugu horreeyaan nidaamyada la socodka hawada iyo agab kale oo milatari, halka Turkiga u muuqdo mid ku lug yeeshay xiisadan, kaddib markii 48 saac ee u dambeysay diyaaradaha milatariga Turkiga ay ka degayeen garoommada milatariga ee ku yaalla Pakistan, iyadoo markii dambe wasaaradda difaaca Turkiga ay sheegtay in diyaaradaha milatari ee Turkiga oo lagu arkay garoommada Pakistan inaysan wax hub ah geyn,balse halkaa ay u tageen inay shidaal ka qaataan!