Madaxa ururka shaqaalaha Kenya ee loo yaqaan COTU, Francis Atwoli, ayaa sheegay in la joogo xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen.
Atwoli ayaa u muuqday mid uu ku muujinayay in isbeddel loo baahan yahay si looga tago halka la joogo, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqasho uu ku tagay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi iyo wixii uu ku soo arkay.
“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii, markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii. Marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto ilaa markaad horay u yara socoto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu yiri Atwoli oo intaas ku daray in loo baahan yahay Isbeddel.
“Somaalida isbaddel haku sameeyaan magaalada Nairobi haddii aadan adinka awoodin, hana ooyina sababtoo ah waxaad rabtaan in xafiiska lacag la idinkugu keeno oo lacag la idinku soo tuuro, Soomaalida ha hormariyaan Nairobi, mustaqbalkana madaxweyne ayay yeelan doonaan, laakin adinka waxaa tihiin munaafiqiin. Intaas ka badan ma rabo in aan arrintaas ku sii dheeraado, halkaas ayaan ku ekeeynayaa” ayuu yiri.
Atwoli waxa uu siyaasadda lugta kula jiray in ka badan 20 sano waxa uuna ka soo jeedaa mid ka mid ah qabaa’ilka ugu badan dalka, hadalkiisana waa mid macno weyn u sameynaya dad badan.
Dhanka kale, xoghayaha guddiga ganacsatada xaafada islii ee Nairobi, Cumar Xuseen oo xiganaya hadalka Atwoli ayaa sheegay in ay tahay wax lagu faani karo oo qiimo leh marka laga fiiriyo hal dhinac.
“Waxaan u arkaa arintaasi way fiican tahay hadii loo fiiriyo Soomaalida iyo horumarka ay gaareen, wanaaga ay wadanka ku soo biiriyeen iyo in ay ku mashquulsan yihiin in wadanka ay horumariyaan”.
Cumar wuxuu sheegay in Soomaalida ay ka shaqeynayaan horumarka, ayna taasi tahay wax lagu faani karo iyadoo meesha ka saareysa hadal xun oo hore looga sheegay.
“Wanaaga aan qabaneyno in la sheego oo wadanka la fahamsiiyo waa wax fiican, maxaa yeelay waxaa la dhihi jiray Soomaalida waa dad xun, Islii waa meel tuugo, Islii wax xun ayaa laga sameeyaa, ganancsi fiican ma ahan taas ayey nadiifineysaa”.
Marka laga soo tago ganacsiga, Soomaalida badan waxay geliyeen dalka lacag badan iyagoo sameeyay dhismooyin abuuray in dad badan helaan shaqooyin.
“Wanaag, horumar, shaqo abuur, canshuur bixin iyo wadanka oo wax lagu soo kordhiyo waa wax lagu faani karo oo Soomaali ku soo kordhisay, taas ayaa cadeyneysa in wanaag aan ka shaqeyneynay”.
Hadalka Atwoli ayuu Cumar ku tilmaamay in uu lahaan karo waji kale kaas oo ku soo jeedinaya indhaha dadka leh “Soomaali ayaa wax kasta qabsatay haddana iyaga ayaa siyaasadda mustaqbalka hoggaaminaya”.
“Dhanka kale hadii laga fiiriyo waxay u egtahay in la leeyahay dadkaas iska ilaaliya” ayuu yiri.
Cumar wuxuu kaloo sheegay in Soomaalida ay xaq u leedahay in dalka ay madaxweyne ka noqoto, sharcigana uu u ogolaanayo maadaama ay yihiin muwaadiniin la mid ah kuwa kale ee dalka.
Cumar ayaa ugu dambeyn sheegay in Islii ay tahay meel nolol ka jirto oo wax ay kala socdaan, “waxaa ka adeegta maalintii seddex boqol oo kun oo qof oo ka yimaada gudaha dalka iyo dibadda” ayuu yiri Cumar.
“Soomaalida waa aamin, wixii aad dalbato waxay kuugu keenayaan halkii aad doonto”.
Caqabadaha ugu weyn ee haysta ganacstada Islii ayaa la sheegay in tahay qashinka, dhismaha wadooyinka iyo dadka waratada ee wadooyinka xiraya.
Source Bbc