Allbanaadir.com
NEWS

Dhulgariir laga dareemay magaalo xeebeedka Mombasa

Kenya waxaa Axaddii shalay ahayd ka dhacay dhulgariir la sheegay in uusan xoog badan lahayn, kaasoo laga soo sheegay magaalo-xeebeedka Mombasa.

Dhulgariirka ayaa 4:17 galabnimo ka dhacay degmada Kilifi oo ah degmo xeebta saaran, ayadoo xoogiisa lagu sheegay 4.5, lagana dareemay 13 saldhig oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa dhulka.

Qotada dhulgariirka oo aad u fog, laguna sheegay inay tahay 10 KM oo badda gunteeda ah awgeed ayaan meelo badan aad looga dareemin, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in dadka u dhow xeebta ay dareemeen.

16 Luulyo ee sannadkii hore ayaa dhulgariir khafiif ah oo lagu qiyaasay 4.6 darajo waxaa laga dareemay degaanno ay ka mid tahay Nairobi.

Related posts

Maxamed Mursi oo mar kale Xukun lagu riday iyo dambi cusub oo lagu helay

admin

Xildhibaan ka xumaaday Maxaabiistii Shabaabka aheyd ee xabsiga ka baxsaday

Cabdi Cade

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---