Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro ka shiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Kheyre, ayaa Golaha uga warbixiyey howlgalka dabar-gooynta Khawaarijta, waxana uu ka mahadceliyey kaalinta dadka deegaanka iyo ciidamada qalbka sida ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ku baacsanayo firxadka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka ayaa lagu gorfeeyay saameeynta Roobka oo si weyn uga curtay deegaanada maamulka Hirshabeelle kaas oo goobaha qaar saameyn ku yeeshay isku-socodka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta shaqadda Damal Caafimaad.

“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Gunaanudkii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanno katirsan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan.

Related posts

DF oo ku guuleysatay xalinta caqabad heysatay Soomaalida ku nool dalka Sudan

Caydiid Ali

Daawo: Sambalolshe oo shirka Garowe Ka weeraray Villa Soomaaliya & Saciid Deni oo..

Caydiid Ali

Maxkamad Lacag magdhaw ah ku xukuntay shirkad wareysi-shaqo ka ceyriyay gabar diidday in ay salaanto ninkii wareysiga ka qaadayay!!

admin
Taboola Ads ---