Allbanaadir.com
NEWS

Generaal Geesood oo iska casilay taliyaha ciidanka iyo Sababta keentay

Taliyihii ciidanka daraawiishta maamulka SSC Khaatumo Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo Firdhiye.

Warqada iscasilaada taliyaha , kuma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay, waxa uuna caddeeyay in uu go’aansaday in uu gabi ahaan iska casilay xilka taliyaha uu muddo hayay, waxa uuna u mahadceliyay Madaxweynaha Khaatumo oo horey xilkan ugu magacaabay.

”Ma doonayo sababaha keenay in aan is casilo in aan waqradan ku qoro, waxaanse kaliya halkan ku caddeenayaa in aan sii wadi karin xilkaa iyo shaqadaa aan u hayay ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jeneraal Geesood.

Warar soo baxaya oon helnay, ayaa sheegaya in sababta iscasilaada taliyaha in ay salka ku heyso khilaaf muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay Madaxweyne Fardhiye iyo taliye Geesood, taa oo ugu dambeyn maanta keentay in uu is casilo taliyaha.

Taliyahan iscasilay ayaa horey usoo noqday taliye kuxigeenkii ciidanka milatariga Somaliland kahor inta aan Somaliland laga saarin magaalada Laascaanood, waxa uuna sargaalkan kasoo goostay ciidanka Somaliland, isaga oo qeyb ka noqday ciidankii Somaliland ka saaray Laascaanood.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Arrimaha dibeda DF oo War cusub ka so saartay dagaalkii Belad-xaawo (Akhriso)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar Siyaasadda dalka ku dhax jira

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo dhaleeceeyey go’doominta Israa’iil ku soo rogtay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---