Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya Airweys oo mar kale dib u dhigtay duulimaadkii Muqdisho & sababta ka dambeysa

Shirkadda dayuuradaha ee Kenya Airways oo qorshaheedu uu ahaa inay Muqdisho duulimaad joogto ah ka bilowdo 15kii November ayaa markii dambe waxaa dib loogu dhigay maanta oo Arbaco ah balse markii labaad dib u dhac kale ayaa ku yimid.

War uu soo saaray madaxa Kenya Airways Sebastian Mikosz ayuu ku sheegay in Diyaaraddu ay Soomaaliya u soo duuli doonin ilaa ogeysiis dambe ayna wajahayaan dib u dhac hor leh uu ku aadan Shuruudo dheeri ah ee shaqadda.

Qorshaha ayaa ahaa in Duulimaadku uu ku biloowdo maanta oo Arbaco ah in Kenya airways ay kasoo Duusho Nairobi 7:40 subaxnimo si ay muqdisho uga soo degto 9:55 daqiiqo.

Sidoo kale waxaa la qorsheeyay daah-fur kadib inay Muqdisho ka duusho 10:45 Daqiiqo ee Subaxnimo si ay Nairobi ugu laabato 1:00 duhurnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Ugandha oo USA ka dalbatay magdhow askartii looga dilay Somalia

Caydiid Ali

Maxaa sababay guul-darrada Siciid Deni ee doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ?

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & guddoonka labada aqal ee Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---