Booliiska dalka Canada, ayaa dacwad dil ah kusoo oogay Kai-Ji Adam Lo oo 30-sano jir ah, ninkan ayaana gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa goob ay xaflad weyn ka socotay oo kutaalla magaalada Vancouver ee dalka Canada.
Inta la xaqiijiyay weerarkan gaariga loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 11-qof, halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta weerarku ka dhacay isku beddeshay goob uu dhiig dureero oo baroor iyo kala carar ka dhacday.
Ninkan baabuurka dadka badan jiirsiiyay ayaa hadda ku jira gacanta ciidanka booliiska, waxaana ninkan lagu soo eedeeyay in dil bareer ah geestay, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan horey u yaqaaniin uuna ahaa qof qaba dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca dhimirka ah.
Dhacdadan dad badan ku geeriyoodeen ,ayaa ka dhadcay goob ay ka dhacaysay xaflad sanadeedka dhaqan ee loo yqaan Lapu Lapu taas oo lagu maamuusayey dhaqanka dadka Filibiin, waxaana goobta xaflada ka socotay ku sugnaa kumanaan qof.
Ra’isul Wasaaraha Canada Mark Carney, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan dadka badan lagu dilay, waxa uuna tagay goobta dhibaatada ka dhacday, isaga oo halkaasi dadka kala qeyb qaatay baroordiiq loo sameenayay dadkii ay dhibaatadu gaartay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com