Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaado oo hoggaan cusub howlgeliyay iyo Amiir oo ruqsad bixiyay

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, 34 sanno kaddib  dib u howlgeliyey hoggaankii dhismaha ciidanka booliiska oo qaabilsanaa hirgelinta dhismayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan Dalka.

G/le Sare Axmed Xusseen Maxamed ayuu taliyuhu u magacaabay dhawaan hoggaanka shismaha, waxaana markiiba uu ka howlgalay diyaarinta qorshaha uu hogaankan ku howlgalayo, isagoo kaashanaya khubaro uu taliyuhu u xushay dib u howlgelinta shaqadii uu dowladda u hayey Hogaankaa, si markale dib loogu howlgeliyo awoodii uu u lahaa hirgelinta dhismahayaasha dowladda .

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir, ayaa taliyaha guddoonsiiyey ruqsadda uu gobalka Banaadir uu hoggaanka dhismaha uga howlgeli karo si uu doorkiisa uga qaato hirgelinta dhismayaasha iyo dib u habeynta xarumaha loogu adeego bulshada ee gobalka Banaadir ku yaala.

Dib u howlgelinta hoggaanka dhismaha, ayaa soo celinaya nidaamka dowladmimo ee dhinaca dhismayaasha dowliga iyo awoodii uu hogaankaasi ulahaa fulinta adeegyadaasi, waxa uuna sanadihii lasoo dhaafay hoggaankan ahaa mid magac ahaan kaliya u jiray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Madaxweynaha dalka Nageria oo lagu kala baxay

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa saarnaayeen iyo ragii watay

Cabdi Cade

Gabar uu dhalay Saadam Xuseen oo iyada oo sawirka aabaheed wadata Baaq muhiim ah jeedisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---