Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo go’aanno adag kasoo saartay xaalad soo korortay

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray go’aanno adag oo ku saabsan xakamaynta tahriibta dhallinyarada oo dhawaanahan xargaga goosatay si weyna u kordhay.

Shirkan waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta labada wasaaradood ee Amniga iyo duulista Hawada Puntland oo ay weheliyaan saraakiisha Booliska, Laanta Socdaalka (Immigration) iyo mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana ka soo baxay go’aanno ku saabsan xakamaynta Tahriibta.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si buuxda looga hortago dhammaan falalka tahriibinta iyo socdaalka sharci-darrada ah ee sii kordhaya, gaar ahaanna dhalinyarada sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo garoomada Puntland, kuwaasi oo adeegsada dukumentiyo been abuur ah oo suuqa laga sameeyay.

“Qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, waaa in ay si wadajir ah tallaabo adag uga qaadaan Laanta Socdaalka (Immigration) iyo Booliska, si sharciga la marsiiyo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Shirkaasi.

“In si adag oo dhakhso leh sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibta shaqeeya, islamarkaana shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay ka wda wada shaqeeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka u safraya dibadda, si aysan ugu dhuuman Tahriibayaasha” ayuu sii raaciyay go’aanka dowladda.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo tahriib ahaa , ayaa ka dhoofay garoomo diyaaradeed oo kuyaalla deegaannada Puntland, waxa ayna inta badan dhallinyaradan loo qaadayay dalka Algeria, halkaas oo hadda ka furmay marin cusub ay usii maraan Yurub dhallinyarada tahriib doonta ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kolonyo ciidan Mareykan ah oo lagu qarxiyey duleedka Kismaayo & AFRICOM oo..

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo digniin culus siiyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---