Tiro hoobiyaal ah , ayaa saakay aroortii hore waxaa lagu garaacay xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo garabka isku haya, waxaana la sheegay in qaar kamid ah hoobiyaashaasi ku dhaceen aaga xarunta Xalane.
Dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta Xalane , ayaa si weyn u maqlayay dhawaqa madaafiicda saakay lasoo tuuray, waxa ayna madaafiicda qaar ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw xarunta Xalane oo ay degan yihiin dad shacab ah.
Lama soo sheegin ilaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan saakay dad badan oo shacab ah argagax ku riday, waxaana gudaha xarunta Xalane laga daaray dhawaqa digniinta marka la dareemo in ay jiraan xaalado khatar ah.
Kooxda Al Shabaab, ayaa kordhisay weerarada madaafiicda ah ay inta badan ka geestaan magaalada Muqdisho, waxa ayna kooxdan madaafiicda si gaar ah ugu beegsataa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale aagga ay ku yaalaan Xalane iyo garoonka Aadan Cadde.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com