Booliska magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa sheegay in sagaal qof ay dhinteen ka dib markii nin uu baabuur jiirsiiyay dad isugu soo baxay xafladda Lapu Lapu oo dhacday habeenkii Sabtida.
Dhacdadan ayaa dhacday wax yar ka dib 8:00 fiidnimo, waqtiga Canada, inta lagu guda jiro xafladda bulshada Filibiin ee sannadlaha ah.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in nin watay gaari uu jiiray waddo ay buux dhaafiyeen dad iyo gawaari raashin ah.
Nin 30 jir ah oo u dhashay Vancouver ayaa hadda xabsiga ku jira. Lama oga sababta ka dambeysay dhacdadan, waxaana booliisku ay sheegeen inay rumeysan yihiin in tani aysan ahayn fal argagixiso.