Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo casuumaad ka helay dhigiisa Putin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay warqad casuumaad rasmi ah oo uga timid Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Casuumada ayaa waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov oo shalay soo gaaray Muqdisho

Warqadda lagu casuumay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xirirta inuu ka qeyb galo shirweynaha Ruushka iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo la qorsheeyay in lagu qabto dhammaadka sannadkan 2025.

Shirkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Carabta, iyadoo Soomaaliya ay noqoneyso mid ka mid ah dalalka lagu martiqaaday kulankan muhiimka ah.

Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo soo gaaray Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal.

Related posts

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweyne Muqdisho ka socday

Cabdi Cade

Shacabka Magaalada Muqdisho oo Saameyn Muuqata Ku qaba Isbitaalada Kusoo badanaya Magalada!!

admin

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho dilal ka geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---