Allbanaadir.com
NEWS

Deni oo balanqaad u sameeyey dhaawacyo la keenay Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Ciidanka ku soo dhaawacmay hawlgalka Daacish looga sifeynayo buuraha Calmiskaad, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalka Ciidamada PMPF.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta daaweynaysa Ciidanka, isagoo si gaar ahna xaaladooda u weydiiyay ciidanka kusoo dhaawacmay hawlgalka Hillaac.

wuxuu la wadaagay Madaxweynuhu in si dhameystiran loo daaweynayo, xitaa dalka dibadiisa loogu qaadayo daaweynta hadii loo baahdo.

Waxaa booqashada Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Baari Shire,  xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Related posts

Somaliland oo beenisay warbixinta COVID-19 ee ay baahiso dowlada Somalia

Caydiid Ali

Shirkadda Hormuud oo soo bandhigay khasaare ay u geysteen ciidanka Kenya 

Cabdi Cade

Farmaajo oo goordhaw Muqdisho ka dhoofay iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---