Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo isku shaandheyn kooban goordhaw sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareegto uu galabta soo saaray isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda.

Xamse Barre wareegtada ka soo baxday Xafiiskiisa, ayaa la isku beddelay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda.

Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo mudda kooban xilkaasi hayay ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii labaad ee XFS,Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa isna loo beddelay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Halka Axmed Macallin Fiqi oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Related posts

Deeq lacageed oo loo qeybiyay Jaaliyada Yemen ee ku dhaqan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shir u socday DF & Dowlad goboleedyada oo 8 qodob laga soo saaray (Akhris)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo dhisay Wasaarad ku cusub maamulkiisa (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---