Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mid kamid ah wiilashiisa ka dhigay in uu noqdo taliyaha ciiamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, kaddib markii taliyihii horey xilkaasi u hayay laga dhigay taliyaha guudatada ilaalada Madaxtooyada.
Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan ka badbaaday qarax Al Shabaab doonayeen in ay ku dilaan, ayaa go’aansaday in wiilkiisa Cabdifitaax Xasan Sheekh u magacaabo in uu noqdo taliyaha ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.
Wiilkan uu dhalay Madaxweynaha , ayaa marar badan kasoo muuqday isaga oo dhinac socda aabihiis, wiilkan ayaana ciidamada kamid noqday intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh talada hayay, waxa uuna hadda taliye u noqon doonaa ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Madaxweynaha.
Tallaabadan uu Madaxweynaha wiilkiisa uga dhigtay taliyaha ciidamada isaga ilaaliya, ayaa loo arkaa mid uu Madaxweynaha amaankiisa ku adkeenayo, xilli dalku galay xaalad dagaal, sidoo kale meel xun gaaray khilaafka siyaasadeed.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com