Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadista Duqa Muqdisho oo miiska saaran iyo qofkii lagu beddeli lahaa oo…

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay , ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheenayo in uu xilka ka qaado guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Amiir.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre, ayaan ku qancin qaabka shaqo ee duqa Muqdisho, iyadoona ay luntay kalsoonidii ay markii hore Madaxweynaha iyo Xamse Barre ku qabeen guddoomiye Amiir oo ahaa qurbajoog aan dalka wax badan kala socon xaalkiisa..

Madaxweyne Xasan , ayaa hadda wada latashiyo ku aadan sidii uu xilka uga qaadi lahaa bilooyin kaddib duqa Muqdisho, uu Madaxweynaha xusay in uu ku fududaaday magacaabistiisa, lagana waayay ujeedooyinkii markii hore loo magacaabay.

Guddoomiye Amiir , ayuu filayay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu la imaan doono isbeddel muuqda oo ka duwan maamulkii isaga ka horreeyay, sidoo kal uu dardargelin doono doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo in ay ka dhacdo Muqdisho.

Xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha ,ayaa laga soo xigtay in uu aad u canaantay Madaxweynaha xubno markii hore baray kana gaday guddoomiye Amiir kahor inta uusan magacaabin, waxa uuna Madaxweynaha hadda ka fekerayaa qofkii uu ku beddeli lahaa Amiir oo arrimihii loo keenay wax ka qaban waayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaana la sheegay in arrimaha uu ku fashilmay kamid yihiin dardargelinta doorashada uu doorkeeda gabay, sidoo kale waxa uu ku fashilmay in uu xal u keeno bulaacadaha magaalada, waxa kale uu ka xigsan waayay Madaxweynaha dadka uu Amiir beel ahaan matelo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, haddii uu xilka ka qaado duqa magaalada Muqdisho Amiir, ayaa waxa ay ka dhignaan doontaa in uu noqon doono Amiir guddoomiyihii ugu xil heynta yaraa ee soo mara taariikhda maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna xilka hayaa hadda mudo la siman lix bilood.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan Xasaasi ah yeeshay Xili Khilaaf jiro (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen: “Waxaa jira dad aan jecleyn horumarka shacabka reer Koonfur Galbeed”

Caydiid Ali

Baaritaan ku socda Wasiirad shaqadeeda ku weysay fadeexad la soo deristay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---