Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo Somaliland ku taageeray Madaxbannaanida ay raadinayaan

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,  ayaa sheegay in dadka reer Somaliland xaq u leeyihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan iyo rabitaankooda ku aadan in ay helaan aqoonsi.

Siciid Deni oo ka hadlayay arrimaha ku aaddan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka, ayaa sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay dood keenaan iyo in ay danahooda ka tashadaan, balse ma uu caddayn mowqifka uu ka taagan yahay midnimada Soomaaliya.

“Somaliland waa dad iyo degaan aan deris nahay, doodooda anigu halkan waxba ku tiigsan mayo, laakiin xaq bay u lee yihiin in ay dood keenaan danahooda in ay ka tashadaanna xaq bay u lee yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Waxa uu kale sheegay Madaxweynaha Puntland in maamul ahaan doonayaan in Somaliland kula noolaadana darasnimo iyo walaalnimo, waxa kale uu sheegay in kala shaqeenayaan maamulka Somaliland sidii loo furi lahaa isku socodka labada maamul dadkooda u dhaxeeya.

“Somaliland waxaan rabnaa in aan derisnimo kula noolaano, waxaan rabnaa walaalnimo in aan kula noolaano, waxaan rabnaa isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga labada dhinac in uu socdo, waxaan u baahanahay in aad si midaysan dadka Soomaaliyeed danihiisa uga tashanno” ayuu sii raaciyay Siciid Deni.

Maamulka Somaliland, ayaa in muddo ah raadinayay madaxbannaani iyo in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, Madaxweyne Deni taageerida rabitaanka Somaliland ee gooni u goosadka, ayaa imaanaya xilli uu khilaaf xooggan Deni kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo ka bilaabeysa Muqdisho howlgal cusub oo ka dhan ah labo kooxood

Caydiid Ali

Qodobka xasaasi ah ee laga bedelay dastuurka Maamulka Jubbaland

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---