Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa tababar loogu soo xiray askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya , kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay la siinayay tababaro kor loogu qaadayay xirfadooda ciidannimo.
Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 25 askari, kuwaas oo la baray xirfado kala duwan oo la xiriira howlgallada ciidamada, difaaca qaranka, iyo ilaalinta nabadgelyada.
Saraakiisha sare ee tababarka soo xiray ayaa sheegay in askarta la tababaray ay yihiin kuwo si wanaagsan u diyaarsan, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha kala duwan ee lagu xoojinayo amniga dalka, Waxa ay sidoo kale ammaan u jeediyeen dadaalka Midowga Yurub ee dhinaca taageerada iyo horumarinta Ciidanka Soomaaliyeed.
General Cabdullaahi Ciro ayaa bogaadiyay askarta tababarka dhamaysatay, wuxuuna ugu baaqay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com