Wararka laga helayo madaxtooÿada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu u socdo shir xasaasi ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed ee dhawaan soo cusboonaaday, kuwaasoo abuurey xaalad kacsanaan ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal xooggan ugu jiro sidii loo dejin lahaa xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Maamulka Puntland.
Sidoo kale, warar kale ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu qabto shir ballaaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Shirkan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho ayaa la qorsheynayaa inay kasoo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada (marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe & kan Puntland Saciid Deni oo qaadacay), Mucaaradka, iyo wakiillada ururrada bulshada rayidka ah.
Warar hoose ayaa sidoo kale muujinaya in lagu wado in lagu sameeyo isbeddel iyo isku shaandheyn ballaaran xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyadoo wadahadallada socda ay qeyb ka yihiin diyaarinta isbeddelkaas.