Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Ruushku u danaynayaa soo celinta xiriirkii uu la lahaa Somalia?

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa maanta gaaray Muqdisho , iyadoo booqashada ay ku soo aadday xilli Ruushka uu iskudayayo inuu dib usoo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa berri la kulmi doona saraakiisha dawladda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo ku hoyanaya Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal.

Ruushka , wuxuu ku soo bandhigayaa booqashadan inuu raadinayo hab uu ku ballaariyo xiriirka Soomaaliya , oo suragal ka dhigaysa inuu dib safaaradiisa ka furto Muqdisho. Waxaa loo qaabeeyay socdaalkan hannaan dadweynaha labada dal iyo caalamka lagu tusayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal,  wuxuuna booqanayaa Bogdanov, xafiisyada u sarreeya iyo xarumo dawladeed, isagoo ka soo baxaya xayndaabka garoonka diyaaradaha oo ay inta badan ka dhacaan kullamada saraakiisha sare ee reer galbeedka iyo dawladda.

Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku qancinaya Ruushka inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya , tan oo Turkiga uu ka raadinayo xulafo ay dan wadaagyihiin oo leh codka diidmada qayaxan  ee golaha ammaanka, sababtoo ah Turkiga ayaa hadda la kulmaya cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa ee gudaha Soomaaliya. Wuxuuna u baahanyahay Ruushka inuu helo saldhig saad ee xeebaha Soomaaliya.

Loolanka quwadaha ayaa sidoo kale Ruushka ku riixaya inuusan ka maqnaan Soomaaliya , dib usoo laabashada Ruushka ayaa sidoo kale markii u horreysay dhexda u gelinaysa Soomaaliya loolan aysan horey ula kulmin oo u dhaxeeya Mareykanka, reer Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.

IMAN JAMA

Related posts

Somalia & Libya oo heshiisyo ku kala saxiixday Tripoli (Sawirro)

Caydiid Ali

Noocyo ka mid ah dayuuradaha oo laga Mamnuucay garoomada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay dowlada Mareykanku ka tiri falkii foosha xumaa ee lagu gubay Quraanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---