Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov ayaa galabta ka soo degay garoonka dayuuradaha Muqdisho.
Wafdigan waxaa Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyey Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal & masuuliyiin kale.
Lama oga ujeedka ay dalka u yimaadeen wafdigan balse Dowlada Ruushka ayaa mudooyinkan ka waday geeska afrika dhaqdhaaqyo ay ku xoojineyso xiriirka dalalka gobolka
“Soomaaliya iyo Ruushka ayaa waxaa ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, waxaa ayna doonayaan inay ballaariyaan iskaashiga si loo horumariyo dano wadaagga labada dowladood” ayuu Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Somalia.
Mikhail Bogdanov ayaa dhinaciisa ka mahad celiyey sidii loogu soo dhoweeyey dalka, isagoo xusay in mudada uu joogo dalka uu kulamo lag xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la qaadan doono madax kala duwan oo ka tirsan DF.