Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiistii DF ka soo qaaday Laascaanood oo gaaray Hargeysa

Waxaa galabta ah laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa 25 Maxbuus oo dhawaan dawladdda Soomaaliya ka qaaday magaalada Laascaanood., kuwaasoo halkaasi ku xidhnaa in muddo ah, kadib colaadihii halkaasi ka dhacay.

Maxaabiistan ayaa isugu jiray kuwo dhaawacyo culus qaba iyo kuwo xanuunsanaya, iyadoo aan xukuumadda Somaliland wax faahfaahina ka bixin qaabka loogu soo wareejiyay Maxaabiistan.

Dayuurad gaar ah oo ay kireysay DF ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday maxaabiistan laga dejiyey Hargeysa oo sii deyntooda uu codsaday RW Xamse ka dib socdaalkii uu dhowaan ku tagay magaalada Laascaanood

DF ayaa sii deyntan maxaabiistan ku tilmaantay talaabo niyad sami loogu muujinayo Somaliland si loo bilaabo wadahadalo la xiriira is dhaafsiga maxaabiista la kala heysto oo ay la galaan Maamulka SSC Khaatumo.

Somaliland ayaa diiday in sawiro iyo muuqaalo laga duubo maxabiistan, iyadoo Dhammaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa maanta amar lagu siiyay in aanay garoonka la soo gelikarin mobillada.

Maxaabiistan ka tirsanaa ciidanka Somaliland ee ka dagaalamay Laascaanood ayaa markii ay gaareen magaalada Hargeysa waxaa lagu wareejiyey qoysaskooda, loomana sameynin Munasabado lagu soo dhoweynayo.

Related posts

Israel oo si weyn uga carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Danjiraha Somalia oo Madaxweyne João Manuel ku wareejiyey..

Caydiid Ali

Dugsi Quraan Online ah oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---