Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay heshiiskii shidaalka ee dhowaan ay Soomaaliya la gashay Turkiga, isagoo sheegay inuu ku saleysan yahay “dano wadaag ah”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan Soomaaliya hore ugala hadal saliidda iyo gaaska, ayna tahay markii ugu horreysay taariikhda ee baaris lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.
“Baarista shidaalka ee meelaha ka baxsan xeebaha ayaa socda hadda sidaad aragteen, mar kale kan xeebaha ayaan saxiixnay. Taas micanheeda maaha in fursaddan aan keliya Turkiga siineyno. Balse waa dalka keliya ee dalbaday iyo kan keliya ee daneynayay.” Ayuu yiri.
Wuxuu xusay in maaddaama Turkigu yahay kan ugu soo hormaray aanan laa barbardhigi karin shirkadaha iyo dalalka dib ka imaan doona toban sano kadib marka ay Soomaaliya noqoto dal shidaal soo saara.
Wuxuu sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir muddo dheer socday, isla markaana uu Turkigu gacan dhexdhexaadin ah fidiyo marka ay Soomaaliya is qabtaan dalalka deriska ah.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro waxaana xusid mudan in Turkidu ay qaadan doonaan saami gaaraya boqokiiba 90 faa’iidada laga helo shidaalka halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan.
Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo murannada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.
Muxuu dhigayaa heshiiska cusub?
Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.
“Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya.
Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”.
Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.
Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.
Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri.
Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.
Source Bbc