Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shuruud adag ku xiray in uu tago magaalada Muqdisho kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Siciid Deni, ayaa sheegay in gogoshii uu horay Soomaali ugu baaqay ay wali taal Garowe, isagoo ka dhawaajiyay in shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gogosha Wadatashiga haddii uu yahay sida midkii NCC ee Wadatashiga Qaran aysan tagi doonin.
“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Madaxweyne Deni , ayaa sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ay horay uga soo baxeen bishii December 2022, kaddib markii laga leexday wixii Soomaali ku heshiisay oo ugu horreeyo Dastuurka, illaa laga laabtana aysan shirkaas tagi doonin.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Deni, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya horey u sheegtay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu casuumay Madaxweyne Deni uuna kasoo qeyb gali doonto, hadalkaasi ayaana u muuqda mid meesha ka baxday uuna hadda caddeeyay Siciid Deni go’aankiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaana ku baaqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka dhici doona 1 ilaa 2 bisha soo socota ee May, waxaana shirkan lagu casuumin Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com