Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Suuriya, Asaad al-Shaibani ayaa maanta u sheegay warbaahinta in Yahuudda u dhalatay Suuriya ay billaabeen inay ku soo laabtaan Suuriya , iyagoo kormeeraya macbadyadooda.
Suuriya waxay doonaysaa hab diblomaasiyadeed inay kula heshiiso Israa’iil;
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac wuxuu si cad u sheegay toddobaadkan inuu diyaar u yahay heshiis diblomaasiyadeed oo uu la galo Israa’iil, kaa oo suragelinaya in Israa’iil ay safaaradeeda ka furato Dimishiq , halka Suuriyana ay safaarad ku yeelanayso Telaabiib, balse wuxuu sheegay in xiriir u dhexmaro Suuriya iyo Israa’iil ku xirantahay shuruudaha uu xiriirka diblomaasiyadeed ku billaabanayo.
Wuxuu hadalkan Shiraac u sheegay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Mareykanka oo Sabtidii toddobaadkan booqday Dimishiq, sida ay shabakadda Bloomberg, ka soo xigatay xildhibaanka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee Cory Mills oo wadahadal 90 daqiiqo socday la yeeshay madaxweynaha Suuriya.
Sharac, wuxuu sidoo kale warqad ku socota Trump u dhiibay Xildhibaan Cory Mills, kaasoo sheegay inuu dhawaan warqadan gaarsiin doono Trump, wallow uusan sheegin waxa ku qoran.
Suuriya , tan iyo markii xukunka laga tuuray Assad, waxay duqeymo burburin ah kala kulmaysay Israa’iil, taa oo ay dheertahay inay ciidanka Israa’iil gudaha u galeen dhulka Suuriya , halka Netanyahu uu sheegay inaysan marna kalsooni ku qabin maamulka uu hoggaamiyo Axmed Sharac oo xukunka la wareegay, balse hadda Sharac wuxuu u muuqda mid soo afjaraya cadaawada Israa’iil, wuxuuna doonayaa inay Suuriya qeyb ka noqoto heshiiska Abraham ee Carabta iyo Israa’iil ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed.
Suuriya , waligeed ma aqoonsan Israa’iil, iyadoo markii ay ugu dhaweyd inuu heshiis dhex maro ay ahayd sannadkii 2019-kii, markaa oo Madaxweynaha Ruushka uu iskudayay inuu dhex dhexaadiyo Israa’iil iyo Suuriya , balse daqiiqadii u dambeysay wada-hadallo ay ka yeelan lahaayeen sida ay xiriir diblomaasiyadeed u dhex mari lahaa oo lagu ballanay inay ka dhacaan Moscow, waxaa ka baxay Bashaar Al-assad, markaa oo la aaminsanyahay inay cadaadisay Iran, si uu u joojiyo iskudayga uu Dimishiq ku keenayo Israa’iil.
W/Q Iman Jamac
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com