Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka qabsoomay shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah madaxda dalalka Africa ee ay xilligaan ciidankoodu ka hawlgalaan gudaha Somalia.
Hoggaamiyayaasha ayaa ka arrinsanayey qaabaynta hawlgalka AUSSOM, qorshaha ciidanka cusub loogu kordhinayo hawlgalka iyo sidii taageero dhaqaale loogu raadin lahaa hawlgalka Midowga Africa ee AUSSOM.
“Ujeedka hawlahaan oo dhan waxay tahay sidii ciidamada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa inay la wareegaan ammaanka dalka iyo sidii beesha caalamku u xoojin lahayd taageerada hawlgalka AUSSOM”, Ayuu yiri Xuseen Macalin.
Ciidanka Soomaaliya ayaa kali ku noqday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaana kaalin ku laheyn xilligan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna ciidankan kaliya joogana xeryahooda.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com