Mareykanka ayaa sheegay in wadahadallada ay Iran kula jiraan ee Nukliyeerka ay meel wanaagsan marayaan. Isagoo ka hadlayay wadahadalka la filayo inuu sabtida ka dhaco dalka Cumaan, ayuu madaxweyne Trump sheegay in go’aan la gaari karo dhowrka maalmood ee soo socda.
Madaxweynaha Mareykanka oo ka baxay heshiiskii 25-ka dal ayaa ku hanjabay inuu weerari doono Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin. Madaxweyne Trump oo wariyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo wadahadalka lala yeelanayo Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii asalka ahaa ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayay inuu sameyn doono heshiis “wax ku ool ah”.
Iran ayaa diiday inay dib uga wadahadlaan heshiiska. Wada-hadallada cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo lagu go’aaminayo in heshiis la gaari karo iyo in kale, iyadoo kulammada Sabtida la filayo in diiradda lagu saaro gogosha wada-xaajoodka.
Waa heerkii ugu sarreeyay ee wada-hadallada tan iyo markii uu Trump xilka ku soo laabtay, balse ma cadda in labada dhinac ay hal qol wada fariisan doonaan. Madaxweyne Trump ayaa kaliya sheegay in Iran aysan yeelan karin hubka Nukliyeerka.
Iran ayaa rajaynaysa in heshiis lagu xadido barnaamijkeeda, balse aan la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabataynta.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com